10/1/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 6 , 2023
Garaad Jaamac: Ciidamada Somaliland hoobiyayaal ayay magaalada ku garaacayaan
 

Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Garaadka guud ee beelaha gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay madaafiic cul-culus ku garaaceen Laascaanood.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo waraysi gaar ah siiyay Cabdirisaaq Catoosh, ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay iyagu saaka weerarka bilaabeen, waxaanu ku eedeeyay in ay hoobiyayaal ku garaaceen magaalada.

"Banaanka ayay xabadu ka dhacaysa magaalada way ku hareeransanyihiin, hareerayn kaliya maahee waxay ku garaacayaan huubiyayaal dhowr guri ayay ku dhaceen, caruura ayaa ku dhintay iyo dad waayeel ah, gurya ku gubtay" ayuu yidhi Garaad Cali.

BBC-da ayaa sheegtay in mid kamid ah hoobiyayaasha laysku adeegsaday saaka uu ku dhacay guri dad shacab ahi daganaayeen, kadibna 7 qof oo isku qoysa isbitaalka loola cararay, BBC-du ma xaqiijin in hoobiyuhu uu dhimasho sababay iyo in kale.

Dhawaqa xabada ayaa laga maqlayaa duleedka magaalada Laascaanood, halkaasi oo ciidamada Somaliland ay fadhiisimo ku leeyihiin, sidookale xukuumada ayaa sheegtay in ciidamadu ay xeryahooda ku suganyihiin oo ay is difaacayaan.

Hadaba, ma jiraan ilo madaxbannan oo ilaa hada xaqiijin kara sida ay wax u socdaan, marka laga yimaado eedaynta ay labada dhinac isku jeedinayaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/6/2023 3:57 PM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay rabto in wadahadal lagu dhameeyo xasarada Laascaanood, sidookal waxay sheegtay in ay argagixiso Laascaanood kula dagaalamayso.

2/6/2023 9:51 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal oo ay wehlinayeen Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo maareeyaha Hay'adda Duulista rayidka Soomaaliya ayaa Kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka hay'adda duulimaadyada Caalamiga ee IATA.

2/6/2023 8:31 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka dalka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir baaxad leh oo khasaare badan geystay oo ka dhacay wadanka Turkiga.

2/6/2023 8:26 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa si buuxda u soo dhoweeyay go’aamadii ay soo saareen isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC, kaas oo ay kaga tashanayaan aayahooda, isagoo sheegay inay ku garab taagan yihiin ka Puntland ahaan.

2/6/2023 8:08 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dadka shacabka ah, marka laga tago dhinacyada dagaaalamaya.

2/6/2023 6:30 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Kahramanmaraş, kaas oo galaaftay nolosha ugu yaraan 1912 qof, waxaana ku dhaawacmay 5,385 kale.

2/6/2023 5:26 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo tikniko wata ay ciidamada Somaliland weerareen, lakiin ay ciidamadu kaliya is difaaceen, xeryahoodiina anay ka bixin.

2/6/2023 4:34 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa xukuumada iyo garaadada Laascaanood ugu baaqay in la is dajiyo oo nabadgalyada la ilaaliyo.

2/6/2023 3:43 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Ciraaq Laif Rashiid ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Iraq.

2/6/2023 2:39 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Garaadka Guud ee beelaha daga gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa shacabka ugu baaqay in is difaacaan oo ay la dagaalamaan Ciidamada Somaliland.

2/6/2023 2:31 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa soo saaray amar lagu hakinaayo duulimaadyada diyaaradaha sida maalin laha ah uga dagi jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

2/6/2023 1:34 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Baaq ayaa kasoo baxay shirkii magaalada laascaanood uga socday Isimada gobolada SSC, iyagoo ku dhawaaqay go'aano culus.

2/6/2023 12:43 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Xiisado kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe, kadib markii ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo kasoo horjeeda isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen gudaha magaalada Garowe.

2/6/2023 12:32 AM EST
Isniin, February, 6, 2023 (HOL) - Kooxo hubaysan ayaa weeraray fadhiisimada ciidamada Somaliland ee Laascaanood iyo hoteelka golaha wasiiradu ka daganyihiin magaalada, sida xukuumadu sheegtay.