5/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 7 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood
 

Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehalada dadkooda ay dhibaatada kasoo gaartay dagaalka ka socda Laascaanood, isagoona adkeeyay muhiimada ah in la tixgaliyo rabitaanka shacabka ku nool deegaanada Sool iyo Sanaag xalkana uu ku jiro wadahadal iyo isku tanaasul si xal looga gaaro xiisadaha siyaasadeed.

“Mushkiladda ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag xalkeeda waa xal Siyaasadeed in si siyaasadeed loo xaliyo, sidaas daraadeed waxa meeshaas ka dhacay waan ka xunahay raali kama nihin, in maanta dadka rabitaankooda Qori lagu xaliyo suura gal maahan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay dhibaatada mudada dheer ka taagan magaalada laascaanood ee sababtay in dhiig badan uu ku daato, wuxuuna dalbaday in wadahadal la isugu yimaado oo uu diyaar u yahay dhankiisa inuu ka qeyb qaato xalka Laascaanood meel walba oo lagu qabanayo.

"Walaalayaal Xalka marnaba kuma imaanayo qori, in Boqolaal iyo kumanaan qof dilno kadib korkooda aan isku gacan salaano oo aan dhahno nabadaa ka dhali waa laga roonyahay, Odayaasha dhaqanka ha qaataan kaalinta ay leeyihiin oo ah kaalin nabadeed, haddana ay qaateen, waana ku boggaadinayaa" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Baaqaan kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya, iyadoo maalintii labaad uu galay dagaalka ka socda magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.












Click here
2/7/2023 4:07 PM EST
Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Beesha caalamka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin rabshadaha magaalada Laascaanood ka socda, kuwaas oo sababay dhimashada dad ay ku jiraan carruur.

2/7/2023 8:07 AM EST
Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa cambaareeyay xasuuq ay sheegeen inay ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos yimaada.

2/7/2023 7:41 AM EST
Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Isimadii Laascaanood shirku uga socday ayaa dowlada Soomaaliya ku bogaadiyay taageerada ay u muujisay qodobadii shirkooda kasoo baxay.

2/7/2023 6:08 AM EST
Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horraysay waxay sheegtay inay soo dhowaynayso rabitaanka iyo go’aanada kasoo baxay dadka reer Laascaanood.

2/7/2023 4:27 AM EST
Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Waxaa la baajiyay oo dib loo dhigay isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod oo la filayay inay maanta ka billaabato magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

2/7/2023 1:56 AM EST
Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad kooban oo xalay degmada Heliwaa ku dhexmaray ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo rag hubeysan oo la sheegay iney ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab.

2/7/2023 12:17 AM EST
Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada SSC ayaa saakay mar kale dib uga qarxay magaalada Laascaanoood ee gobolka Sool.

2/7/2023 12:11 AM EST
Talaado, February, 7, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo isku dhafan oo meelo kala duwan ka yimid ay soo weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee Laascaanood.