4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh: kun markab ayaa baddeena ku jira oo kalluunkeennii daldalanaya, mana lehin awood aan kaga celino

Arbaco, Maarso, 22, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa difaacay heshiisyada dowladda Kula jirto maraakiibta shisheeye ee ka kalluumaysanaya badda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in soddonkii sano ee ugu dambeeyay badda Soomaaliya looga kalluumaysanayay sifoyaal sharci darro ah, isagoo sheegay in dowladda ku khasban tahay inay sharciyad iyo heshiisyo ku bixiso kalluunka ku jira badda Soomaaliya, si ay dakhli uga hesho.

" Maalin walba waxaad idaacadaha iyo social mediyaha ka maqashaan kuwa taagan oo dhahaya baddii waala la xaalufiyay. Caawa oo aan intaan ku hadlayno kun markab ka badan ayaa ku jira baddeena, oo kalluunkeennii daldalanaya oo mid kamida oo wax naga siinaya aanu jirin," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay badda inaan loo haynin dhaqaale lagu ilaaliyo, sidaas daraadeed wuxuu sheegay in lagu khasban yahay in dowladdu heshiis dheer shirkadaha kula gasho si ay sifo sharci ah ugaga kalluumaystaan badda.

"Baddeena inaan ilaalsano dhaqaaley u baahan tahay marka hore. Dhaqaalahaas waa inaan iyada ka keennaa oo aan dhahnaa shirkad hebel 10 sano baddeena ka kalluumayso, waxaas ayaana ka rabnaa ee nasii," ayuu yiri madaxweynaha.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aaday iyadoo dhawaan dowladdu meel marisay sharci kalluumaysi oo dhiirri galinaya maalgashiga badda, inkastoo maamulka Puntland uu ka horyimid.