4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2023
Xildhibaano madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu bulshada kala furfurayo

Arbaco, Maarso, 22, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka iyo baarlamaanka ee laga soo doortay deegaanka bariga Hargaysa, galbeedka Burco iyo Ceerigaabo, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu furfuris ku wado bulshadooda.

Kadib markii beel kamid ah beelaha deegaanadan dagaa, ay dhawaan ku dhawaaqday in ay dhisatay guddi cusub, ayay xildhibaanadu  madaxweynaha ku eedeeyeen in uu isagu ka danbeeyo samaynta guddida cusub.

Xildhibaan Siciid Sokeeye oo goobta ka hadlay ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu furfuris ku wado deegaankiisa "Cidii doonaysa in ay Garxajis kala furfurto waxaanu leenahay, khiyaamada xumi cid ma baabiiso ilaa iyo cidii ay ka timid mooyaane".

Guddida cusub ayaa timid kadib markii guddidii hore ay diiday in ay ka qayb gasho, dadaalada nabadeed ee qaar kamid ah cuqaasha Somaliland ay rabaan in ay ku joojiyaan colaada Laascaanood, sidookale guddida hore ayaa madaxweynaha mucaarad ku ah.

Xildhibaanada ayaa aaminsan in madaxweyne Biixi uu ka danbeeyo samaynta guddida cusub ee qaar kamid ah madax dhaqameedka reerku ku dhawaaqeen.

Waxay sheegeen in madaxweynuhu talo xumo ku wajahay colaada Laascaanood, loona baahanyahay in aanu umada kala qaybine uu mideeyo, oo si midaysan loo xaliyo.