4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2023
Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Itoobiya oo Maanta gaaray magaalada Baledweyne

Sabti, Maarso, 25, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray wafdi ay hoggaaminayaan saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Itoobiya.

Saraakiisha ciidanka Itoobiya ee Maanta ka dagay Baledweyne waxaa hogaaminaayay Jenaral Tesfaye iyo Jenaraal Xaaji oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee dalka Itoobiya, waxaana safarka ku wehlinaayay saraakiil kale iyo guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Itoobiya Aadan Axmed Sooyaan.

Ujeedka Safarka saraakiishaan ayaa ku qotama sidii ciidanka Itoobiya dhankooda uga qeyb qaadan lahaayeen wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban raba gobolka Hiiraan iyo gobolada kale ee dalka.

Wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Shabaab ayaa lagu wadaa iney ka qeyb qaataan ciidamada Itoobiya ee ka baxsan howlgalka ATMIS, kuwaas oo la filaayo in maalmaha soo socda iney soo gaaraan gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in haatan ay ciidankaas qeyb ka mid ah ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Safarka Saraakiishaan Itoobiyaanka ah ay ku tageen Baledweyne ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Maanta Baledweyne uu dib ugu  laabtay mudo sadax bilood kadib guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay inuu dhawaan bilaabanayo wajiga labaad ee howlgalka Hiiraan oo ku aadan dhinaca Galbeed ee gobolka Hiiraan.