4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 27, 2023
Garowe: Guddi loo xilsaaray khilaafka doorashada golaha deegaanka oo go'aan soo saaray

Sabti, May 27, 2023 (HOL) - Guddi loo xilsaaray kasoo go'aan gaarista muranka ka taagan doorashada golaha degaanka degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godob Jiraan, ayaa caawa soo saaray go'aan rasmi ah.

Guddigan ayaa go'aamiyay in doorashada golaha degaanka lagu qabto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxay kaloo sheegeen in ciidamada doorashada diidan laga saaro magaalada, dibna loogu celiyo xarumahoodii, iyadoo loo saarayo guddi gaar ah.

Guddigan ayaa sidoo kale sheegay inaan la faro galin dastuurka Puntland iyo doorashada madaxweynaha ee siddeeda januaray 2024.