4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2023
Museveni oo shaki ka muujiyay sida Alshabaab ku qabsadeen xerada Ciidamada Uganda ee buulo Mareer

Axad, May 28, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa soo saaray dhambaal tacsi ah oo ku aaddan dhammaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen askartii lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Uganda ee degaanka Buulo Mareer.

Madaxweyne Uganda ayaa sheegay inay sameeyeen guddi baadhiseed (BOI), isagoo sheegay in xaqiiqadu soo bixi doonto.

Madaxweynuhu waxa uu muujiyay shaki ku saabsan sida ay Alshabaab ugu suurto gashay inay qabsadaan xerada ciidanka Kumaandooska Uganda ee Buulo Mareer.

Museveni wuxuu tilmaamay in hub ay kamid yihiin labo Taangi iyo lidka diyaaradaha aysan askarta Uganda qaarkood sidii la rabay ugu dagaalamin, taasoo uu sheegay inay keentay in ay kala cararaan, Al-shabaabna ay ka faa’ideystaan in ay jabiyaan ciidankooda.

“Waxaan tacsi u diraynaa dalka iyo qoysaska dadkii ku dhintay. Dhacdadan nasiib darrada ah waa in loo adeegsado in lagu xasuusiyo dhammaan dadka ay khusayso, in hawlgallada Soomaaliya ay yihiin hawlgallo dagaal ee aanay ahayn hawlo samafal oo aad ku heli karto gunnooyinka Qaramada Midoobay.”ayuu yiri Museveni.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Uganda ay Soomaaliya usoo dirtay taliyahooda ciidamada lugta, si uu qiimayn ugu sameeyo khasaaraha ka dhashay weerarka, una dhiirri galiyo ciidamada Uganda.

Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen degaanka Buulo Mareer. Waxaase Alshabaab ay sheegeen inay ku dileen in ka badan 137 askari oo katirsan ATMIS.