4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2024
Qaramada Midoobay: Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa halis
 

Isniin, Apriil, 1, 2024 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa sheegtay mustaqbalka Soomaaliya inuu halis ku jiro. Waxay sheegtay dalku inuusan horey u socon karin Puntland oo aan si buuxda oo loo wada dhan yahay qeyb uga ahayn.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay kulan ay madaxweyne Deni kula yeelatay Garowe, inay kala hadashay sidii loo yarayn lahaa xiisadaha siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagnaa wax ka bedelka Dastuurka, ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka maqlo madaxweynaha Puntland in ay ka go’an tahay in uu isku dayo in arrintan xal loo helo, si loo xaqiijiyo in la helo hannaan loo dhan yahay,” ayay tiri wakiiilka  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu kalsoonidii iyo aqoonsigii kala noqday hay’adaha dowladda federaalka ee Soomaaliya , sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay kulan ay yeesheen golaha wasiirrada ee Puntland

Go’aankaan ayay Puntland u gaartay iyadoo ka jawaabaysay go’aankii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel mariyeen wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.