4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2024
Soomaaliya oo heshay 1.4 milyan oo ah tallaalka daacuunka
 

Isniin, Apriil, 1, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa heshay 1.4 milyan  oo ah tallaalka daacuunka afka laga qaato oo qiimihiisu yahay 2.5 milyan oo U.S. dollar ka yimid Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF).

Tallaalkan ayaa kusoo beegmay, iyada oo ay jirto qeylo dhaan ku saabsan tirada sii kordheysa ee kiisaska Daacuunka oo laga soo sheegayo qeybo kamid ah dalka.

Tallaalkan ayaa loo qeybin doonaa shan degmo oo ah meelaha ugu daran ee dalka, iyadoo dadaal dheeri ah lagu bixinayo sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka oo tan iyo bishii Jannaayo uu soo ritay dad gaaraya 4,388 qof, waxaana ku naf waayey 54 qof, kuwaas oo saddex-meelood labo meel ay carruur ahaayeen, sida ay sheegtay UNICEF.

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), tirada kiisaska la soo sheegay sanadkan ayaa saddex jeer ka badan celceliska la soo sheegay isla muddadaas saddexdii sano ee la soo dhaafay. Kor u kaca daacuunka waxaa inta badan loo aaneynayaa daadadkii ka dhashay El Nino dhamaadkii 2023, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 118 qof ayna barakiciyeen 1.2 milyan oo kale.

UNICEF waxa ay sheegtay in 700,000 oo talaal ah loo qoondeeyay degmada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, taasoo ay ka dhacday dhimashadii ugu badnayd, iyadoo degmooyinka kale ee ay dhibaatadu ka dhacday ay kala yihiin Dayniile, Mahadaay, Buurhakaba iyo Balcad.