4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo safar aan la shaacin ugu ambo baxay magaalada Xarardheere
 

Isniin, Apriil, 1, 2024 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku lebisan tuutaha ciidanka xoogga dalka, ayaa safar aan la shaacin ugu ambo baxay degmada Xarardheere  ee gobolka Mudug.

Safarka madaxweynaha ayaa la filayaa inuu qeyb ka yahay dardar galinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo dhiirri galinta ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo uu safarka ku wehliyo madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale tagidoona degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxayna Muqdisho ka raaceen helikoptar ay leedahay Qaramada Midoobay.

Safarka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kusoo aaday, iyadoo Alshabaab ay dib u qabsadeen badi degaanadii Koonfurta Mudug ee laga xoreeyay sanado ka hor, degaanadaas oo ay u geeriyoodeen askar badan iyo saraakiil ciidan.

Degaanada lasoo faarujiyay oo ay Shabaabku dib u qabsadeen waxaa kamid ah, Camaara, Bacaadweyne, Caad, Shabeelow, iyo degaanada hoos yimaada. Ciidamada ayaa degaanadaas usoo faarujiyay iyagoo ka cabanayay mushaar la’aan iyo musuq ka dhan ah Saadkooda.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la filayaa inuu la kulmo ciidamada iyo saraakiishooda kuna booriyo inay si degdeg dib ugu laabtaan degaanadii lasoo faarujiyay, lana xoreeyo degaanada weli Shabaabku ku sugan yahay.