4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2024
NISA oo Baydhabo ku soo bandhigtay Al-shabaab badan oo isku soo dhiibay
 

Isniin, Apriil, 1, 2024 (HOL) - Ciidanka hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay ilaa 10 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab.

Xubnahaan NISA ay soo bandhigtay ayaa la sheegay in kooxda u qaabilsanayeen waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha iyo xisbada, kuwaas oo dhamaantood ah rag dhalinyaro ah.

Ragaan kasoo goostay kooxda Al-shabaab oo qaar kood la hadlay warbaahinta ayaa sheegeen iney kooxda uga soo tageen dhibaatooyin ka jira dhexdooda oo ay ku tilmaameen iney u adkeysan waayeen.

Xubnahaan ayaa sidoo kale ugu baaqay  dhalinyarada la midka ah ee ku harsan dhanka kooxda Al-shabaab iney isaga soo tagaan oo ay isku soo dhiibaan gacanta dowladda.

Qeybaha kala duwan ee ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa marar badan soo bandhigay xubno la sheegay iney kasoo goostaan kooxda Al-shabaab.