4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2024
Dowladda Fedaraalka oo digniin kasoo saartay waxyeelo ka dhalan karta roobab la filayo iney dalka ka da'aan
 

Isniin, Apriil, 1, 2024 (HOL) - Hay'adda maareynta musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta soo saartay digniino ku aadan roobabka Gu'ga oo la filayo in maalmaha soo socda ka curtaan gudaha dalka.

SODMA ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday iney muujiyaan taxadar dheeraad ah oo ku aadan dhibaatooyin ka dhalan kara daadadka roobabka la filayo.

Hay’adda waxay si gaar ah ugu baaqday dadka degan goobahii horay ugu dhufteen daadadka iyo Fatahaadaha iney si gaar ah u feejignadaan.

"Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 (sida la isku raacay) waxay dalkeena intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, wuxuuna xoogiisu billaabanayaa asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April, roobabkaas waxay sidoo kale sii socondoonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan, waxay roobabkaasi intooda badan ay ka di’i doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobolladiisa koonfureed iyo kuwa woqooyi" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay'adda SODMA.

Digniinta SODMA ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Roobabkii deyrta ahaa ee da'ay dhamaadkii sanadkii tagay ay sababeen daadad iyo Fatahaado geystay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur soo gaaray guryo badan, taasoo ilaa hada aysan kasoo kabsan dadka qaar waxyeeladii kasoo gaartay.