5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2024
Xukuumadda Fedaraalka oo ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaal beeleedyada ka socda Koonfur Galbeed
 

Jimco, April, 19, 2024 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saadaad Caliyow ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaal beeleedyo ka socda degmooyin badan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaal beeleedyada ka jira degmooyinka kala ah Buurhakaba, Diinsoor, Baraawe, Wanlaweyn iyo Qoryooleey iney geysteen khaaaare badan oo isugu dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed, wuxuuna dalbaday in la joojiyo daadashada dhiiga dadka walaalaha ee wada dega deegaanadaas.

"Mjirto beel beel kale ka awood badan dhulka Alle ayaa idiin kasay inaad ku wada noolaataan ee ma aheyn doorashadiina ee dagaalka jooji oo Alle ka cabsada oo nabad ku wada noolada wax garadka deegaanadaas waa iney ku baxaan beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya " ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Saadaad in Wasaaraddiisa ay diyaar u tahay sidii gacan weyn uga geysan laheyd joojinta dagaal beeleedyada ka socda qaar ka mid ah degmooyinka ka tirsan Koonfur Galbeed.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir Saadaad ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay degmooyin kala duwan oo ka mid ah Koonfur Galbeed ay ka dhaceen dagaal beeleedyo sababay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.