5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2024
Roobabka Guga oo si rasmi ah uga curtay gobolka Hiiraan
 

Jimco, April, 19, 2024 (HOL) - Roobabka Guga ayaa si rasmi ah curtay inta badan degmooyinka gobolka Hiiraan oo mudooyinkii dambe ay ka jireen kuleel aad u daran oo aan noociisa waayahii dambe la arag.

Magaaloiyinka Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Halgan, Maxaas iyo Moqokori ayaa dhamaantood waxaa saacadahii lasoo dhaafay ka da'ay roobab aad u wanaagsan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyadaba.

Magaalooyinka gobolka Hiiraan oo ay ugu horeyso Baledweyne ayaa tan iyo bishii Ramadaan waxaa ka jiray kuleyl aad u daran oo ay si weyn isku weydiinayeen dadka ku nool gobolka.

Todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa noqotay magaalada ugu sareysay dhanka  heerkulka kuleelka oo gaaray 43.

Si kastaba ahaatee roobabka Guga ayaa sidoo kale la xaqiijiyay iney ka caruteen deegaano ka tirsan maamulada kala Galmudug, Puntland, Koonfur galbeed, Jubbaland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Roobabkaan ka curtay inta badan gobolada dalka oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunayada ayaa waxaa daba socda cabsi xoogan oo laga qabo iney ka dhashaan daadad iyo fatahaado ay sameyn karaan wabiyada Shabeelle iyo Jubba.