4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2024
Kenyaanka ku jira Shabaab oo walaac ka muujinaya soo bandhigidda wajiyadooda
 

Talaado, Apriil, 2, 2024 (HOL) - Dagaalamayaasha ajaanibta ee kooxda Alshabaab ayaa ka cabanaya inay caddaalad darro kala kulmayaan Shabaaabka dhexdooda, sida ay sheegtay Kenya.

Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Shabaabku ay sii daayaan oo ahaa muwaadin Kenyan oo fulinaya fal ismiidaamin ah, ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn.

Kenyaanka ku jira Shabaab, ayaa walaac ka muujinaya in lasoo bandhigo magacyadooda iyo wajiyadooda, halka ay sheegeen in la qariyo wajiyada dagaalamayaasha Soomaalida ah ee deegaanka.

Hay’adaha Sirdoonka Kenya ayaa sheegaya, in dadka Kenyanka ah ee ku jira Al Shabaab ay walaac ka muujiyeen in soo bandhigida dadkaasi ay halis gelineyso noloshooda, iyagoo si fudud u beegsanaya Hay’adaha ammaanka Kenya.

Tani waxay imaaneysaa maalmo kadib markii Alshabaab ay meel fagaare ah ku toogteen todobo dagaalyahan oo ay ku jiraan Kenyan, kadib markii lagu eedeeyay inay basaasiin u yihiin hay’adaha amniga ee dowladda Kenya.

Waxaa sidoo kale jira cabashooyin ku saabsan in Al Shabaab ay dagaalyahannada ajnabiga ah u xilsaaraan shaqooyin halis ah sida is qarxinta.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay jiraan calaamado muujinaya in dagaalyahannada ajnabiga ah ay si weyn uga baxeen Alshabaab si ay naftooda u badbaadiyaan.