4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2024
Aden Faarax oo loo magacaabay mid kamid ah xilalka u sarreeya Dowladda Itoobiya
 

Talaado, Apriil, 2, 2024 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Aden Faarax u magacaabay Madaxa Xafiiska Dhismaha Dimuquraaddiyadda Itoobiya, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed.

Xafiiskan loo magacaabay Aden Faarax oo ah Xafiis heer Faderal ah isla markaana ku cusub qaab dhismeedka Dowladda Itoobiya, ayaa waxaa la sheegay inay hoostagayaan xafiisyo dhowr ah sida  Xuquuqul Insaanka, Guddida Doorashooyinka dalka Itoobiya iyo Xafiisyo kale.

Aden Faarax ayaa xilkan cusub waxa u raacaya inuu yeelanayo Awood Ra'iisal Wasaare ku xigeen, isagoo horeyna usoo hayay Ku xigeenka xisbiga Barwaaqo iyo Madaxa Xarunta dhexe isla xisbiga Barwaaqo ee haya talada Dalka Itoobiya, lama sheegin inuu Aden Faarax isku haynayo labada xil iyo in kale, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu isku sii haynayo xilkiisii hore iyo kan cusub.

Aden Faarax oo ah nin kasoo jeeda Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Siti ayaa xilal kala duwan horey usoo maray, isagoo mar ahaa Afhayeenka Golaha Faderashinka dalka Itoobiya, waxa kale oo uusoo maray Madaxweyne ku xigeenka Degaanka Soomaalida, isagoo marna ahaa Duqa Ismaamulka magaalada Diridhabe.

Xilkan cusub ee loo magacaabay Aden Faarax ayaa waxaa soo dhaweeyay Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo dhinaca kalena ay Shacabku soo dhaweeyeen xilkaas loo magacaabay Aden Faarax, waxayna ahacabku xuseen inay magacaabistani ay tahay guul usoo hoyatay Shacabka Dowlad degaanka Soomaalida.