4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 2 , 2024
Horjooge ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka deegaanka Xinlabi
 

Talaado, Apriil, 2, 2024 (HOL) - Ciidamada difaaca dadweynaha ee ku sugan deegaanka Xinlabi ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa isku soo dhiibay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Horjoogahaan isku soo dhiibay ciidanka deegaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaciil Xasan Cali, kaasoo ka mid ah xubnaha Shabaab ee ka dagaalama deegaanada gobolka Mudug.

Ciidanka deegaanka ayaa ninkaan horjoogaha ah ku wareejiyay ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA qeybtooda ka howlgasha Mudug.

"Ciidanka deegaanka ayaa soo dhaweyn kadib waxay Horjooge Ismaaciil ku wareejiyeen Ciidanka Hey’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, qeybtooda Galmudug, si loo marsiiyo habraaca loo diyaariyey xubnaha isi soo dhiiba ee ka soo hara fikirka guracan ee Khawaarijta" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Galinkii dambe ee Shalay aheyd markii ciidanka deegaanka Xinlabi ay duuleedka deegaankaasi kusoo qabteen ilaa 10 ruux oo la sheegay iney la shaqeynayeen kooxda A-shabaab, kuwaas oo lagu xiray xabsi ku yaala deegaankaas.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Shalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ciidanka NISA ay ku soo bandhigeen 10 xubnood oo kasoo goostay kooxda Al-shabaab.