4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2024
Cabdiraxmaan Cabdihshakuur: Waa nasiib darro weyn in muwaadin Soomaaliyeed shaqada looga saaro fikirtiisa xorta ah
 

Arbaco, Apriil, 3, 2024 (HOL) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federaalka ay muwaadin Soomaaliyeed shaqada ugala laabatay sababo la xiriira fikirkeeda shakhsiyadeed ee gaarka ah.

“Waxaa wax lala yaabo ah in kuwii taliskii hore ku dhaliili jiray ra’yigooda in muwaadiniinta lagu bartilmaameedsado ay hadda ku dhaqaaqaan falal la mid ah. Ku-takri-falka awoodda, gaar ahaan haweenka iyo beelaha la hayb-sooco, waxay abuurtaa dareen xooggan oo caddaalad-darro ah,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay guddiga caddaaladda iyo garsoorka ee baarlamaanka inay arrintan soo farageliyaan oo ay baaritaan ku sameeyaan si looga hortago falalkan oo kale mustaqbalka. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ururada bulshadana inay cambaareeyaan falalkaan.

“Waxaad mooddaa in aynaan waxba ka baranin waayihii ina soo maray, sida caddaymo taariikhi ahi ay muujinayaan in caddaalad-darrada, musuq-maasuqa, eexda iyo ku-takri-falka awooddu ay inta badan sababeen burburka dawladnimo.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee Samiira Gaid oo ah qabiir dhinaca amniga oo ay wasaaradda amniga u qaadatay la taliyaha mashruuc uu Midowga Yurub maalgalinayo oo lagu magacaabo SJGAB, ayaa loo sheegay in shaqada lagala noqday, waxaana loo sheegay in loo haysto warar ay kusoo qortay barteeda Twitter-ka, kuwaas oo ay wasaaradda amnigu sheegtay in ay ka hor imaanayaan mabaadiida mashruuca.