4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo amartay in si degdeg ah loo xiro qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay Garowe iyo Hargeysa
 

Khamiis, April, 4, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay in la xiro isla markaana oggolaanshihii hawlgalka ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe (Puntland) iyo Hargeysa (Somaliland).

Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo todobaad gudahiis ah lagu xiro labadaasi qunsuliyadood.

Dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay Itoobiya inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladdu tilmaamtay in xadgudubyadaas ay ka hor imaanayaan madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay kaloo ku amartay Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Itoobiya uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furan labada magaalo, inay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

“Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.” ayay tiri dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambayn fartay wasaaradda arrimaha dibedda in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.