Axad, Agoosto, 11, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen tuulada Baalal dheer laba nin oo shacab ahaa.
newsinsideDilka labadaan ruux loogu geystay tuulada Baalal dheer oo hoostagta deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud ayaa salka ku haayo aargoosi aano qabiil.
Ragaan la dilay oo caan la ahaa deegaanka ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinaasir Maxamuud Cilmi Mataan, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Cadaado.
Maleeshiyaadkii dilka geystay ayaa goobta ka isaga baxsaday, waxaana xusid mudan in gobolka Galgaduud mudooyinkii lasoo dhaafay si aad ah ugu soo kordhayeen dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiil ah.
Ugu dambeyntii dilka labadaan nin Xalay loo geystay ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhowr habeen ka hor sidaan oo kale deegaan lagu magacaabo Oodan oo ka tirsan gobolka Galgaduud aano qabiil loogu dilay labo nin oo walaalo ahaa.