Jimco, February, 16, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in golaha fulinta ee Midowga Afrika ay ku ayideen Soomaaliya in ay tahay musharax kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka 2025-2026.
newsinsideWasiirka warfaafintu wuxuu sheegay tallaabadani inay ka tarjumayso kalsoonida Afrika ee Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay inay qaadato door muhiim ah oo caalami ah.
Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay inay hoggaamiyo ajendaha Afrika ee nabadda iyo amniga ee UNSC.
Soomaaliya ayaa kursigan u tartami doonta bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Haddii Soomaaliya ay ku guuleysato dalabkeeda, waxay xilka sii heyn doontaa ilaa 2026, taasoo ka dhigan fursad gaar ah oo ay Soomaaliya saameyn ku yeelan karo go’aannada caalamiga ah.