4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2024
Labada aqal ee baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyay wax ka beddelka dastuurka
 

Sabti, Maarso, 30, 2024 (HOL) - Baarlamaanka labada Aqal ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay afarta cutub ee wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Afarta cutub ayaa mid mid loo codeeyay, kaddibna afarta cutub oo wada socdo ayey labada aqal ee Baarlamaanka u kala codeeyeen.

212 Xildhibaan Golaha Shacabka ah iyo 42 Aqalka Sare ayaa u coddeeyay wax ka badalka Dastuurka, mana jirin wax diiday ama ka aamusay sida uu Guddoonku baarlamaanku ku dhawaaqay.

Wax ka beddelka qoddobada dastuurka ee uu maanta ansixiyay labada aqal ee baarlamaanka, ayaa waxa ka mid ah, in Madaxweynaha soo socda ay soo dooran doonaan Shacabka Soomaaliyeed, Ra”iisul wasaaruhuna uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha Gudidda doorashooyinka iyo Soohdimaha ee Heer federaal ayaa tiradooda laga dhigay 18 xubnood.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka oo horey uga digay meel marinta wax ka beddelka dastuurka, ayaa la sugayaa inay jawaab kasoo saaraan go’aanka baarlamaanka, iyagoo lagu wado inay warbaahinta la hadlaan, kana horyimaadaan go'aanka soo baxay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyay madaxweyne Xasan sheikh qorshaha uu ka leeyahay wax ka beddelka dastuurka in uu yahay, mid uu ku doonayo inuu xilka kusii dheeraysto.