4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2024
Booliiska Somaliland oo soo qabtay dirawal jiidhay wiil 9 jir ah oo baxsaday
 

Axad, Maarso, 31, 2024 (HOL) - Booliiska Gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedaysan in uu baabuur jiidhsiiyay wiil yar oo 9 jir ah habeen hore 11: 20 PM.

Kadib baadhis baabuur badan loo xidh xidhay oo socotay muddo 24 saacadoo ah, Ciidamada Booliiska Gobolka Saaxil ayaa eedaysane Maxamed Farxaan Jaamac kasoo qabtay magaalada Burco oo uu u baxsaday.

"Howlgal iyo baadhitaan dheer kadib ciidanka booliisku waxay soo qabteen eedaysanihii falka galay iyo cidii la socotay, waxa halkan ku xidhnaa baabuur badan oo noocii jiidhay ah, oo uu kamidyahay gaadhigii shilka lagu galay" sarkaal ka tirsan ciidamada wadoooyinka ayaa sida yidhi.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi 'Cali Case' ayaa bogaadiyay ciidamada booliiska ee gobolka Saaxil isaga oo sheegay in ay sameeyeen dadaal geesinimo leh, isla markaana ay soo qabteen eedaysanihii falka gaystay.

Ciidamada booliiska ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan 300 oo baabuur oo nooca One Tenka loo yaqaano ah, intii ay socotay baadhistu, baabuurtaas oo markii danbe laga dhex helay gaadhigii falka lagu gaystay.