4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya weerar kooxda Al-shabaab ku qaaday deegaanka Xinlabi
 

Axad, Maarso, 31, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab galinkii hore ee maanta ay ku qaadeen deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha deegaanka Xinlabi Farxaan Daahir Cali oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay iska difaaceen weerar ay kooxdu kusoo qaaday deegaankaas.

"Khawaarijta weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen ciidanka oo u diyaarsana ayaa jilbaha u dhigtay oo weerarkii ay soo qaadeen waan ku jebiynay, mana jirto wax khasaare ah oo na soo gaaray deegaanka xaalkiisa waa wanaagsan yahay oo hada wax culeys ah kama jiro cadawgana dib waa jabinay" ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug Farxaan Daahir Cali oo ka dhacay.

Kooxda Al-shabaab ayaa mararka qaar ka fulisa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah.

Bilowgii bishaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa difaaca dadweynaha ay isaga soo baxeen deegaano muhiim ah oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo kala ah Bacaadweyn, Caad, Camaara iyo Shabeelloow, islamarkaana ay dib u qabsadeen markale kooxda Al-shabaab.