4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2024
Somaliland oo abaal marisay shaqaalaha Hay'adda Hawada iyo Madaarada
 

Isniin, Maarso, 4, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa baalmarisay shaqaalaha Hay'adda Hawada iyo Madaarada, oo ay sheegtay in ay hanteen maamulka hawadeeda.

Xaflad abaalmarin ah ayaa Hargaysa loogu qabtay hablo iyo inamo ka hawlgala hay'adda hawada, oo la sheegay in ay dadaal u galeen sidii Somaliland ay hawadeeda u hanan lahayd.

"Nin reer Somaliland isku doontay nasan maayo, waxa jiray rag iyo dumar dhallinyaro ah oo hay'adda ka wax qabad badnaa intii hawshaasi socotay, 100 waraaqood ayay ICAO u direen" Maareeyaha Hay'adda Hawada iyo Madaraada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, ayaa sida yidhi.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay Soomaaliya kaga adkaatay hawada, isla markaana ay hanatay maamulka hawadeeda, isaga oo sheegay in aan Somaliland la muquunin karin.

Waxa uu xusay in kama danbaysta ay noqon doonto laba mid uun, in hawada dib loogu celiyo ICAO iyo in la fuliyo heshiiskii ay dhinacyadu hore u wada galeen ee qaybsiga maamulka hawada.

Waxa kale oo uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay khalkhashay isla markaana ay isku dhufan gaadhay diyaaradaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airways, taasi oo uu sheegay in Soomaaliya ay dafirtay, lakiin markii danbe shirkada Qatar caddaysay.

Wali waxa taagan muranka hawada ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo sida BBC-du sheegtay ay shirkadaha qaarkood ee diyaaraduhu ka leexdeen hawada Soomaaliya.