4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2024
Ciidamada Amaanka oo gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Al-shabaab oo Nabadoon ku dilay Muqdisho
 

Isniin, Maarso, 4, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Xalay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku dileen Nabadoon lagu magacaabo Cabdi Xasan Muxidiin oo ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa Xalay saqdii dhexe weeraray hoyga uu Nabadoonka ka deganaa degmada Deyniile oo ku yaala waaxda Buurdheere, waxaana la sheegay in kooxdu ay rasaas tira badan la dhaceen Nabadoonka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdu ay weerar ku gashay hoyga Nabadoonka, islamarkaana iska caabin ay kala kulmeen askari ilaalo u ahaa nabadoonka, kaasoo markii dambe ay dileen kooxdu.

Masuul ka tirsan maamulka degmada Deyniile oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarka kadib ay ciidamada amaanka degmada gacanta kusoo dhigeen laba ka mid ah xubnahii Al-shabaab ee weerarka fuliyay iyo  mid kale oo meyd ah.

Si kastaba ha ahaate wali si rasmi ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in kooxda Al-shabaab aad u hubeysan ay weerar noocaan ah ku dilaan nabadoon Cabdi Xasan oo ka mid ah Nabadoonada sida weyn looga yaqiinay Deyniile.