4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2024
Horjoogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay howlgalo ka socda Jubbada Hoose
 

Isniin, Maarso, 4, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal maalintii sadaxaad oo xiriir ah ka wadaan ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadaan iskaashanaya ayaa howlgalo lagu dilay 35 ka mid ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanada kala ah Muuse xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar saafka iyo deegaano kale oo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnaha lagu dilay howlgalada ay isugu jiraan  horjoogayaal Soomaali iyo ajaaniib ah iyo maleeshiyaad kale.

“Ciidamada ayaa cadowga ugu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen ee deegaanadaas, waxaana la dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaabib” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah horjoogeyaasha la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Saadiq oo ah horjoogihii sirdoonka Al-shabaab, horjoogihii qaraxyada u qaabilsanaa kooxda oo isna magaciisa lagu sheegay Cabdiqani iyo horjooge kale aan xilkiisa la shaacin oo magaciisa lagu sheegay Jaabir, kaasoo dhalashadiisu tahay Kenya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyay deegaanada gobolka Jubbada Hoose ka waday howlgalo culus oo ay ku doonayaan iney kooxda Al-Shabaab kaga xureeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin kooxdu.