4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2024
Soomaaliya oo si rasmi u noqotay dalkiisa 8-aad ee ururka bulshada Bariga Afrika (EAC)
 

Isniin, Maarso, 4, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo noqotay dalkii 8-aad ee Bulshada Bariga Afrika, ka dib markii ay dukumentiga ansixinta u gudbisay Xoghayaha Guud ee EAC , Dr. Peter Mutuku.

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo Caruusha u joogay dhammaystirka ku biiritaanka EAC, ayaa ku saxiixay magaalada Entebbe ee Uganda heshiiska ku biiritaanka EAC.

Xafladda saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni.

Dr. Mathuki ayaa soo dhaweeyay in Soomaaliya ay noqoto xubinta cusub ee EAC, oo ah urur goboleed ay ku midaysan yihiin 8 dal, kaas oo ujeedadiisu tahay in ay xoojiyaan iskaashiga Waddamada ay saaxiibka yihiin ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Waxa uu sheegay in ka mid noqoshada Soomaaliya ay xoojin doonto aragtida EAC ee ku aaddan xasilloon, iyo siyaasad midaysan oo ka hanaqaada gobolka Bariga Afrika ah.

Wuxuu ku ammaanay Soomaaliya sida ay u buuxisay shuruudaha heshiiska EAC, wuxuuna ku booriyay Soomaaliya in ay ansixiyaan oo ay dhaqangeliyaan shuruucda iyo xeerarka EAC.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ka qeyb qaadato hadafyada EAC, sida ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, nabadda iyo amniga.