4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2024
Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir "Ma jiro wiil Xawaadle oo qoray inuu soo qaato aragtida Cali Guudlawe qof u dili kara"

Isniin, Maarso, 4, 2024 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga jawaabay eedeymo dhawaan uu u jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka ku matala Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynaha Hirshabeelle uu yahay qof ka shaqeeya isku dirka beelaha dega deegaanada Hirshabeelle, islamarkaana uu si weyn u daneynayo dhibaato ka dhex dhalata beesha Xawaadle.

"Waxaan ognahay in Caliyow aad tahay ruux ku hanweyn in Xawaadle uu is dagaalo oo uu is dilo, dadka xawaadle ee jowhar jooga marka ay kula kulmanayaan waxaad tahay ninka dhaho Xawaadle inuu is dilo ayey dawadiisu ku jirtaa, ma jirto wiil Xawaadle oo qoray intuu soo qaato aragtida Cali Guudlawe qof kale oo Xawaadle ah u dili kara" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Maxamed Cabduqaadir ayaa sidoo kale xusay in dagaalkii Al-shabaab looga xureeyay dhulka dhaca bariga gobolka Hiiraan inuu ahaa mid beesha Xawaadle ay ka mideysneyd, islamarkaana ceeb ku tahay Cali Guudlaawe inuu sheegto libinta dagaalkaas.

"Dagaalkii gobolka Hiiran deegaanadiisa looga xureeyay Shabaab wuxuu ahaa mid Xawaadle ku mideysna waxaana hogaankiisa lahaa Allah Xafidee Walaalkey Cali Jeyte mana dhici karto iney cid kale Sheegato, waana ku ceeb Guudlaawe inuu sheegto guulaha dagaalkaas" ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir ayaa sidoo kale weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo uu sheegay inuu yahay ruux laba wajiile ah.

"Yuusufow hadhiman Xawaadle oo dareensan wax aysan rabin inaad ku qasbeyso, marka aad nala joogto iyo marka aad jowhar tagto labo qof ayaad kala tahay ma tahliil ayuu cali wax kugu daraa oo lagu siiya ma ogi, wax ku dhiman oo cimri iyo xil aad qabato ma jiraane ha ku dhiman adigoo dadkaa ku dhibsanayaan" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaanka ayaa daba socda hadal laba habeen ka hor uu Jowhar ka sheegay Cali Guudlaawe, kaasoo ahaa in Hirshabeelle ay ka socon la'dahay Xildhibaano alifley siyaasadeed ah oo laga soo doortay deegaanada Hirshabeelle.