4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2024
In ka badan 50 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay howlgalo ka socda Jubbada Hoose
 

Talaado, Maarso, 5, 2024 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa faahfaahin dheeraad ka bixiyay howlgal maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in howlgalada ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ee ka socda Jubbada Hoose in khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

"Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubaland waxa ay Maalintii Afaraad oo xiriir ah Hawdka ku baacsanayaan Khawaarijta, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, Dhul badanna waa laga sifeeyay, alle ayaa mahadsan" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxman Alcadaala.

Howlgaladaan ciidamada huwanta ah ay ka wadaan deegaanada ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa kooxda Al-shabaab looga saaray deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo markii hore kooxdu gacanta ku haysay.

Saraakiisa ciidanka dowladda Fedaraalka ayaa sheegeen in howlgaladaan ay sii soconayaan inta Al-shabaab laga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Jubbaland, waxaana howlgaladaan ay noqonayaan kuwii ugu xoogana oo Jubbaland laga sameeyo.