4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2024
Raysal wasaare Xamse: Labo qof oo maqan in dastuurka u xanibnaado suurtagal ma ahan
 

Talaado, Maarso, 5, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wax ka beddelka dastuurka uu yahay mid soconaya oo aan u hakanayn shakhiyaadka diiddan.

Raysal wasaare Xamse oo ka hadlayay Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage, ayaa ku baaqay in kalsooni lagu qabo in xildhibaanada labada aqal ay dastuurka dhameystiraan, isagoo sheegay in ay tahay markii ugu horraysay oo ay baarlamaanku dood adag ka yeeshaan arrimaha dastuurka.

“Waxaan marnaba aan suurtagal ahayn inuu dastuurku noqdo perfect (sida ugu fiican). Wax hortu bashar sameeyay sidiisaba perfect ma noqdo. Ma jiro dastuur intii la sameeyay meel lagu xiray oo la yiri, yaan waligiis la taaban” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Wuxuu sheegay raysal wasaaruhu in meelo badan lagu kala duwanaan karo, hase ahaatee aanay sax ahayn in cid gaar ah oo maqan loo xannib naado, wuxuu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dstuurka la dhameystiro.

Xamse wuxuu ku celiyay in wax ka beddelka lagu sameeyo dastuurka uu dhaqan gali doono markuu uu dhamaado muddo xiloodkooda.