4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2024
Raysal wasaare Xamse oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raysal Wasaaraha iyo masuuliyiin kale
 

Talaado, Maarso, 5, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta u magacaabay Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Raysal wasaaraha.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale ku xigeenka Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Raysal wasaraaha u magacaabay Cabdirisaaq Cali Ibraahin.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Raysql wasaare Xamse ayaa sidoo kale Mahad Maxamed Cumar loogu magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Hab maamuuska ee Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Magacaabista xubnahaan cusub ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo todobaadkaan gudahiisa uu xilkii Xoghayaha Joogtada Xafiiska Raysal wasaaraha uu iska casilay Maxamad Abuukar Subeyr oo sheegay inuu isku casilay dano u gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee Xoghayaha cusub ee Xafiiska Raysal wasaaraha Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale ayaa horay u ahaa la taliyaha amniga Qaranka ee Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya.