4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2024
Guddoomiyahii gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Faal oo Xilkii laga qaaday
 

Talaado, Maarso, 5, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyahii gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo loo yaqaano Axmed Faal.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maxamuud Maxamed Nuur oo loo yaqaano Masdile.

Guddoomiyaha xilka qaadista lagu sameeyay Axmed Meyre Makaraan ayaa noqday guddoomiyahii ugu waqtiga dheeraa ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Axmed Meyre Makaraan ayaa xilka guddoomiyenimo ee gobolka Shabeellaha Dhexe soo haayay tan iyo sanadkii 2016-kii xilligaas oo uu Cali Guudlaawe Hirshabeelle ka ahaa madaxweyne ku xigeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in guddoomiyaha maanta xilka laga qaaday mudada uu xafiiska joogay in ku dhawaad 10 guddoomiye ay soo mareen gobolka Hiiraan.

Hoos ka akhriso wareegtada xil ka qaadista oo dhameystiran:-