4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo Maanta go'aan ka gaareysa kiiska ninka ku eedeysan inuu gubay Xaaskiisii
 

Arbaco, Maarso, 6, 2024 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah la filayaa iney go'aan kasoo saarto kiiska dacwada loo heysto Sayid cali Macalin Daa'uud oo ah nin ku eedeysan inuu Muqdisho ku gubay Xaaskiisii.

Kiiskaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kiiskii ugu adkaa ee soo mara garsoorka Soomaaliya, waxaana si weyn u daneynaya go'aanka ay Maxkamadda gobolka Banaadir ka soo saaro doonto kiiskaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa horay u mudeysay in maanta oo Arbaco ah soo saari doonto go’aanka xukunka kiiskaan.

Waxaa xusid mudan inaan wali la aasin meydkii gabadha la gubay oo uu ku jiro mudo 30 cisho ka badan Firinjeer, kadib markii qoyska gabadha la gubay ay sheegeen in mar qura lawada aasi doono gabadhooda iyo ninka gubay.

Xukunka ay maanta kasoo saari doonto Maxkamada gobolka Banaadir kiiskaan adag noocu noqdaba, waxaa kadib u furnaan doona labada dhinac iney qaadan karaan racfaan, taasoo ka dhigan hadii labada qoys uu midkood racfaan qaato in kiiska loo gudbin doono Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.