4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo dil ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa'uud
 

Arbaco, Maarso, 6, 2024 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta xukun dil ah ku riday Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysnaa inuu  nolasha ku gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis Maxamed oo xaamilo ahayd.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in eedeysanaha lagu helay inuu si kas ah u gubay xaaskiisa, isagoo daliishanayay caddeymaha lagasoo ururiyay kiiskaan.

Guddoomiyahaayaa sheegay xukunka lagu riday Sayid Cali Macalin Daa’uud inuu yahay qisaasta marxuumadda oo ahayd xaaskiisa.

Xukunka lagu ridday eedeysanaha waxaa u furan inuu racfaan ka qaato, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda.

Qoyska marxuumadda ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda, iyagoo markii go’aanka lagu dhawaaqay sameeyay sacab mashxarad ah.

Lama oga in maanta la aasidoono marxuumadda oo weli ku jirta talaajad, iyagoo la sugayay go'aanka maxkamadda kasoo baxay.

Kiiska ayaa hadda u muuqda mid usii gudbi doona maxkamadda racfaanka, haddii  qareenada eedeysanaha ay ku qanci waayaan xukunka maxkamaddu ay soo saartay.