4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2024
Kenya oo shaacisay magacyada iyo sawirada 35 nin oo Alshabaab katirsan oo baxsad ah
 

Arbaco, Maarso, 6, 2024 (HOL) - Dowladda Kena ayaa shaaciyay magacyada iyo sawirrada 35 rag ah, kuwaas oo ku eedeysan inay katirsan kooxda Alshabaab.

Xafiiska hay’adda dambi baarista Kenya ayaa ka codsaday bulshada qaybaheeda kala duwan in ay si mutadawacnimo ah u helaan xogo horseedi kara in la soo xiro raggaan la shaaciyay macluumaadkooda.

“Soddon iyo shan (35) eedaysane hubaysan oo khatar ah, kuwaas oo qayb ka ah shabakada argagixisada ee Al-Shabaab una qaabilsanaa qorshaynta iyo Abaabulka weeraradii argagaxiso ee dhimashada badnaa iyo rabshadihii ka dhacay gobolka Lamu iyo deegaanka weyn ee Boni,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay'adda dambi baarista Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in abaalmarin lacageed oo la taaban karo  siin doonta xubin kasta oo dadweynaha ka mid ah oo keena xog lagu kalsoonaan karo oo horseedaysa in la soo xiro mid ka mid ah tuhmanayaasha.