4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2024
Dowladda Fedaraalka oo sheegtay in Al-shabaab ka xayirtay lacag dhan 7 Milyan oo doolar
 

Arbaco, Maarso, 6, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in dowladda ay kooxda Al-shabaab ka xayirtay lacag gaareysa Todobo Milyan oo doolar.

Waxaa sidoo kale warsaxafadeedka lagu sheegay in kooxda Al-shabaab dowladdu ka xirtay 670 taleefan Nambar iyo 110 akoono ganacsi oo lagu baadi jiray ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii wado dagaalka curyaaminta Maaliyadeed ee ka dhanka ah Khawaarijta, waxayna uga mahadcelinaysaaa ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed sida joogtada ay ula shaqeeyaan dowladda" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo dowlada Fedaraalka.

Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale loogu digay ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed iney bixiyaan lacagaha baada ah oo ay kooxdu soo weydiiso, islamarkaana lagu dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed.

Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale ay dowladda Fedaraalka ku guuleysatay in kooxda Al-shabaab ay ka xirto Akoono iyo Nambaro taleefan oo ay ku jireen lacago badan oo ay ka baadeen ganacsato iyo dad shacab ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa kooxda Al-shabaab kula jirto dagaal dhanka Militariga ah iyo dhanka Maaliyada ah, waxaana xusid mudan in dowladda Fedaraalka labada dhinacba ay ka sameysay guulo la taaban karo.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-