4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2024
Raysal Wasaare Xamse oo amar ku bixiyay in deg deg loo fasaxo duulimaadyo ku xayirna garoonka Aadan Cadde
 

Arbaco, Maarso, 6, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo maanta iyo shalay ay ka jirtay xiisad u dhaxeysay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada, maamulka garoonka iyo shirkadaha diyaaradaha Soomaalida maamulaan.

Raysal wasaarahe Xamse Cabdi Barre ayaa ku amray Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, maamulka garoonka Aadan Cadde iyo shirkadaha diyaaradaha in si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda ee saacadaha badan ku xayirna maanta gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Xamse Cabdi Barre ayaa gudaha hoolka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula hadlay rakaab tiro badan oo ay saameysay xiisada u dhaxeysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo shirkaddaha diyaaradaha, wuxuuna u sheegay in dowladda ay ka xuntahay hakadka ku yimid safaradooda, isagoona u balan qaaday in mar kale dib u dhici doonin.

Hakadka ku yimid howlaha duulimaadyada garoonka Aadan Cadde ayaa la sheegay iney la xariirto in rakaabkiiba laga qaado lacag sagaal doolar ah oo lagu soo kordhiyay shirkadaha diyaaradaha ay Soomaalidu leedahay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xiisad noocaan oo kale ah ay saameyn ku yeelato dadka shacabka ah ee ku safra garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.