4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2024
Wafdi ka socda Turkiga oo maanta Muqdisho u yimid fulinta Heshiiskii Difaaca iyo Dhaqaalaha
 

Arbaco, Maarso, 6, 2024 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaaray saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Wafdigaan Saraakiisha ah ee dalka Turkiga ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga waxay kulan kula qaateen Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soonaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin.

Wafdiga Saraakiisha Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada ciidamada Badda, Dhulka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca dalka Turkiga.

Dhanka Soomaaliya waxaa sidoo kale shirka goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka Badda Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Jenaraal Dayax Cabdi cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Ujeedka safarka Saraakiishaan ay maanta ku yimaadeen Muqdisho ayaa lagu sheegay iney la xariirto dhismaha iyo qalabeynta ciidamada Militariga Soomaaliya iyo waliba in la xoojiyo heshiiskii dhawaan ay wada galeen labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga ee ku qotamay iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha.

Dhawaan ayay aheyd markii labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga ay wada saxiixdeen heshiis mudadiisu yahay 10 sano oo la xariira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha, waxaana heshiiskaas saxiixay madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.