4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2024
Qoyska Luul Cabdicasiis oo ka hadlay waqtiga la aasayo Marxuumadda
 

Khamiis, Maarso, 7, 2024 (HOL) - Qoyska Allah u naxariistee Luul Cabdicasiis oo warbaahinta la hadlay kadib xukunka dilka toogashada ah oo ay Maxkamadda gobolka Banaadir ku riday Shalay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ahaa ninka ku eedeysnaa inuu gubay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis ayaa si weyn usoo dhaweeyay go'aanka Maxkamadda.

Marka laga soo tago qoyska Luul Cabdicasiis waxaa sidoo kale go'aankaan ku farxay dadka Soomaaliyeed oo qudhooda si weyn uga xumaaday in nolosha lagu gubo gabar Soomaaliyeed oo waliba Uur leh.

Aabaha dhalay gabadha la gubay Sheekh Cabdicasiis Maxamed ayaa sheegay inuu si wayn u soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in ay heleen caddaaladdii ay muddada dheer sugayeen.

“Wallaahi lama soo koobi karo farxadda, maxaa yeelay cadaalad ayaan raadinayay cadaaladiina alxamdulillahi waa la helay, inkastoo ay fulintii dhiman tahay, hadee shucuurteyda iska dhaafee dadka kale ayaad ka dareemi karta” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis Maxamed.

Sheekh Cabdicasiis Maxamed ayaa sidoo kale sheegay waqtiga la aasi doono gabadhiisa oo mudo hal bil ka badan ku jirta Firinjeer.

“Balantii ugu horreysay iyo hadalkii aan ku hadlaayay wuxuu ahaa in la isla duugo marka wax lala duugayo ma laha, sababtoo ah hadda iyo racfaan waaye, mar hadaan cadaalada helnay bil Ramadaana la gali rabo wan aaseyna Luul maalinta Jimcaha ayaana aasi doona oo ay isku raaceen qoyska" ayuu yiri Aabaha dhalay Luul Cabdicasiis.

Aabaha dhalay Luul Cabdicasiis ayaa sidoo kale u mahadceliyay madaxda dowladda Soomaaliya, si gaar ah madaxweyne Xasan Sheekh, guddoomiye Madaale iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay iney murugada la qeybsadeen qoyskiisa.