4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2024
Itoobiya oo u dabaal dagtay 46 guuradii ka soo wareegtay guushii ay ka gaareen dagaalkii Soomaaliya ee 1977
 

Khamiis, Maarso, 7, 2024 (HOL) - Itoobiya ayaa u dabaal degtay sanadguuradii 46-aad ee ka soo wareegatay waxay ugu yeertay guushii Karamara oo ka dhigan sida ay sheegeen, jabkii  gaaray ciidamadii Soomaaliya ee Itoobiya dagaalka la galay sanadkii 1977.

Itoobiya waxay ku tilmaamtay guul taariikhiya oo soo martay markii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo xukumayay Soomaaliya in ka badan labaatan sano uu amar ku bixiyey in ciidamadiisa ay duulaan ku qaadaan Itoobiya isagoo ujeeddadiisu ahayd in dib loosoo celiyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya xoogga ku haysato.

Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa soo sheegtay  in Guusha Karaama ay ka dhigan tahay " naf-hurnimo qaali ah oo loo bixiyey si loo difaaco madaxbannaanida dhuleed iyo madax-bannaanida Itoobiya.

Danjire Jorge Lefebre Nicolá, Safiirka Cuba u fadhiya dalka Itoobiya, oo ah waddankii Itoobiya u soo gurmaday markii ciidamada Soomaaliyeed ay gudaha u galeen in ka badan 700km oo ah dhulkii Itoobiya gumaysiga ku haysatay, ayaa ka soo qayb galay munaasabadda xuska oo ka dhacday fagaaraha Ethio-Cuba.

In ka badan 15,000 oo askari oo Cuban ah ayaa ka qayb qaatay dagaalkii lagu jebiyay ciidamadii Soomaaliyeed ee dagaalka la galay Ethiopia 1977.