4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda ee dalka Norway
 

Khamiis, Maarso, 7, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda ee dalka Norway Andreas Kravik.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda dalka Norway ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, la dagaalanka Al-shabaab iyo xasilinta deegaanadii laga xureeyay kooxda.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday dowladda Norway iney kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka Cimilada, xasiloonida Soomaaliya iyo tan Gobolka, isagoona uga mahadceliyay dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Wasiirka ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Norway ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ay ku tallaabsatay, gaar ahaan dhinaca amniga iyo dowlad dhiska, isagoona balan qaaday in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda Fedaraalka.

Tan iyo markii dib loo doortay bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2023 madaxweyne Xasan Sheekh waxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya horumaro la taaban karo ka sameysay soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya kala dhaxeeyay dalalka Caalamka.