4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2024
Ciidamada Kumaandooska Danab oo ka qeyb galay dhoolus caalami ah oo Kenya ka dhacay


Khamiis, Maarso, 7, 2024 (HOL) - Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa ka qayb-galay 11-maalmood oo dhoolatus ciidan ah oo uu Maraykanku hoggaaminayey oo loogu magac daray "Justified Accord" .

Dhoolatuskan oo ka dhacay dalka Kenya  ayaa la isu keenay 1,000 askari iyo cutubyo ka kala duwan oo ciidan oo ka socday 23 waddan.

Justified Accord waa dhoolatus uu hogaaminayo Taliska Mareykanka ee Afrika, loogana dan leeyahay in lagu xoojiyo nabadda gobolka, amniga, iyo awoodaha gargaarka bini'aadantinimo ee Bariga Afrika.

Dhoolatuskan oo dhinacyo badan lahaa ayaa hoosta ka xariiqayay sida qoto dheer ee ay uga go’an tahay nabad ilaalinta, wax ka qabashada xasaradaha, iyo kobcinta iskaashi waara oo lala yeesho ciidamada militariga ee gobolka iyo kuwa kale.

Sannad kasta, Justified Accord wuxuu isugu yeeraa in ka badan 1,000 askari oo ka kala socda in ka badan 20 waddan, isagoo muujinaya go'aanka caalamiga ah ee lagu kobcinayo awoodaha nabad ilaalinta, u diyaargarowga hawlgallada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee loo igmaday, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhoolatuskan ayaa ka koobnaa qeybo kala duwan oo tababar ah, oo ay ku jiraan tababarka goobta, layliga dab-damiska, hawlgallada badda, iyo tababarrada hawlgallada gaarka ah, kuwaas oo dhammaan loogu talagalay in lagu diyaariyo ciidamada nabad ilaalinta iyo xaaladaha kala duwan ee wax ka qabashada dhibaatooyinka.