4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2024
Firdhiye: Waan la dagaalamaynaa Itoobiya haddii ay ciidan dul keento degaanada SSC- Khaatumo
 

Khamiis, Maarso, 7, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa uga digay dowladda Itoobiya inay soo faro galiso arrimaha gudaha ee degaanada maamulkiisa.

Hoggaamiye Firdhiye oo maanta kumanaan shacab ah kula hadlayay fagaare kuyaala magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inay jiraan warar sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah la dul keenayo degaanada SSC uu ka arrimiyo maamulkiisa.

“Waxaanu aqbali karayno ma ahan, ma aqbalayno. Dadkayaga iyo dalkayaga annagaa ka masuul ah. In ciidamo kale la dulkeeno ama lasoo fara galiyo, ma aqbalayno, waana ka dagaalamaynaa,” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Firdhiye.

Firdhiye ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay caddeyso mowqifkeeda Soomaalinimo. Wuxuu sheegay in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan sidii dalka looga difaaci lahaa cid walba oo khatar ku ah midnimada dalka.

Hoggaamiyaha SSC wuxuu ku amray ciidamadiisa inay heegan buuxda galaan, una diyaar daroobaan duulaan kaste oo kaga yimaada dhinaca Somaliland.