4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2024
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo Somaliland uga digay duulaan ay kusoo qaado degaanada SSC- Khaatumo

Khamiis, Maarso, 7, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa shacabka reer Laascaanood ugu baaqay in ay iska difaacaan dagaal uu sheegay in ay Somaliland qorshaynayso.

Firdhiye oo shacabka Laascaanood kula hadlay garoonka kubada ee Cabdi Bille Cabdi, ayaa sheegay in ay Somaliland qorshaynayso duulaan ay kusoo qaado degaanada SSC- Khaatumo.

"Waad ogtihiin Muuse iyo rajiimkiisii waxay leeyihiin colaad hor leh ayaanu soo qaadanaynaa, Muuse waxaanu leenahay waxaad doonto samee, waa ku sugaynaa, waanu kuu fadhina, Ilahay idankii waad jabaysa, waad guuldaraysanaysa" ayuu yidhi Firdhiye.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa Somaliland uga digay dagaalkasta oo ay kusoo qaado degaanada SSC- Khaatumo isaga oo shacabka Somaliland ugu baaqay in ay u caqli celiyaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in ay u dagaalameen in ay ayaahooda ka tashadaan, oo anay cid kale u talin, isaga oo sheegay in ay kumanaan qof ku waayeen dagaalkii 8 da billood socday ee ay kaga soo horjeedeen Somaliland.

"Wali qadiyadii ayaanu u taaganahay, waananu u dhimanayna, maankeena yayna ka bixin caruurtii 7 da ahayd ee ay madfaca ku dhufteen, waa ku dhimanaynaa, waana ku shahiidaynaa" Ayuu yidhi Firdhiye.

Qaar kamid ah madaxda dhaqanka SSC Khaatumo ayaa dhawaan sheegay in ay heleen xog sheegaysa in ay Somaliland ku duulayso degaanada SSC- Khaatumo, inkasta oo anay Somaliland ka hadal.