4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2024
Golaha Wasiiradda oo Ansixiyay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta Soomaaliya
 

Khamiis, Maarso, 7, 2024 (HOL) - Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay magacaabista guddoomiyaha Bangiga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee  Bangiga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah iney noqoto Marwo Hodan Cismaan guddoomiyaha Bangigga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale kulanka ku ansixiyay Aadan Rooble inuu noqdo Agaasimaha guud ee Bangiga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Kulanka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda ayaa waxaa shir gudoomiyay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana Golaha sidoo kale ay ku ansixiyeen kulanka Hindise Sharciyeedka Xeerka Hay’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan gelinta Gaadiidka iyo siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.

Gabagabdii Wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirka looga dhageystay warbixino la xariira amniga guud ee dalka iyo halka ay marayaan howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.