4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2024
Shir u socday dowladda Fedaraalka iyo Hay'adda IMF oo Maanta lasoo gabagabeeyay
 

Khamiis, Maarso, 7, 2024 (HOL) - Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo hay'adda lacagta Aduunka ee IMF iyo Bangiga Aduunka.

Shirkaan oo todobaadkaan ka socday Nairobi ayaa ahaa mid looga arinsanaayay hannaaka dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo barnaamijka cusub ee saddexda sano ee soo socda ay hay'adda IMF kala shaqaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaano ECF.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo soo xiray shirka maanta lasoo gabagabeeyay ayaa sheegay in qodobadii looga hadlaayay shirkaan la isku afgartay.

Shirkaan waxaa sidoo kale diirada lagu saaray dib u eegis lagu sameyay hanaanka Maaliyadda Soomaaliya ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, waxyaabihii u qabsoomay dowladda Fedaraalka wixii ka dambeeyay guushii laga gaaray barnaamijkii deyn cafinta.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa gabgabadii shirka khudbad uu ka jeediyay ku sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay go’an tahay meel marinta iyo ka miro dhalinta qorshayaasha horumarineed ee dhaqaalaha dalka iyo kobcinta dakhliga gudaha.