4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2024
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis Shidaal looga baarayo Soomaaliya
 

Jimco, Maarso, 8, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa heshiis la galay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.

Labada Wasiir ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis Soomaaliya looga baarayo shidaal bad iyo biriba, kaasoo qeyb ka ah oo daba socda heshiiskii dhawaan ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga ee ahaa iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha.

 “Aniga iyo dhiggeyga dalka Turkiga Mudane Alparsalan Bayraktar waxaan maanta kala saxiixanay heshiis dowladeed laba geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin, Tani waa munaasabad muhiim u ah labadeenna dal, waxaana si gaar ah dalka Turkiga uga mahadcelinaynaa taageeradooda ku aaddan xoojinta iyo xawaareynta wax soo saarka dhanka Hydrocarbons-ka ee Soomaaliya" ayuu  yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar.

Bishii lasoo dhaafay sideedeedii ayay aheyd markii Soomaaliya Turkiga ay kala saxiideen heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha, kaasoo ay meel mariyeen golayaasha dowlada ugu dambeyna uu saxiixay madaxweynaha dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Cabdirisaaq Cumar ayaa Heshiiskaan ku tilmaamay mid taariiqi ah oo wax badan oo faa'ido ah usoo kordhin doona Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dalka Turkiga uu ka mid ah dalalka Soomaaliya sida weyn uga  taageera dowladda Soomaaliya dhinaca horumarka iyo dowlad dhiska.