4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh "Majirto Diin iyo dadnimo ogol in kumanaan qof oo Soomaali ah si macno la'aan ah lo dilo"
 

Jimco, Maarso, 8, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor oo ka qalin jabiyey dugsiga ciidamada ee Turksom.

Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamadan tababarka dhameystay ayaa sheegay in muhiimada koowaad dowladdiisu tahay la dagaalanka iyo ciribtirka kooxda Al-shabaab, isagoona dalbaday in deg deg loo soo afjaro dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-shabaab.

"Deegaanno badan oo muddo dheer ay joogeen argagixisadu ayaa xor ka ah maanta. Sharafta iyo karaamada ay umadda Soomaaliyeed leedahay cidda soo celin karta waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee ka qalin jabiya xeeryahan" ayuu yuri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uusan dooneyn in dhibaatada kooxda Al-shabaab ay sii socoto, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in hal meel looga soo wada jeesto kooxda.

"Diin iyo dadnimo ogol majirto in kumanaan qof oo Soomaali ah in si macno la'an ah lo dilo, maxay galabsadeen dadkii lagu laayay Soobe 14-kii Oktobar, diintee sheegeysa in qof masaajid ku jira la dilo oo qof iska socda bistoolad gadaal looga dhufto, qofkaas doonayo inuu dilo dadkaas an waxba galab oo hadana leh murtid ayaan dilay" ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay damaca guracan ee dowladda Itoobiya ay ku raadineyso qeyb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya, isagoona sheegay in mar dambe aysan suurta geli doonin Itoobiya iney qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya, iyadoo mid hore uu ku maqan yahay.

"Dowlada waxay qaadi doonta talaabo kasta oo lagu difaacayo sharfta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, isirka Soomaalida waxaa uu ku suntan yahay halgan iyo gobanimo, waana naga go'an tahay in dalka cadaw kasta ka difaacno" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.