4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2024
Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo kulan ka yeeshay dhacdadii ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
 

Jimco, Maarso, 8, 2024 (HOL) - Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ka yeeshay dhacdadii Arbacadii ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee sida weyn u saameysay rakaabkii doonayay iney ka duulaan garoonka oo saacado badan xayirnaa.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka oo ahaa kii 15-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubanaha guddiga joogta ah ee Golaha Shacabka oo ka dooday dhacadadii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa guddiga warbixin ka siiyay dhacdadaas guddoomiyaha guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoommada, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Geel qaad.

Xildhibaan Geel qaad ayaa xubnaha guddiga uga warbixiyay xiisad labadii maalin ee la soo dhaafay ka taagneyd gudaha garoonka Aadan Cadde oo saameysay dad shacab ah oo mudo dhowr saacadood ku dhex xayirna garoonka  sababo aan sharciga waafaqsaneen.

Xubanaha guddiga joogta ayaa ugu horeyn wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadaas lagu dhibaateeyay shacabkii u safraayey gobolada dalka, waxaana ay xubanaha Guddiga u yeereen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Duulista hawada iyo garoomada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cigaal.

"Kulan su'aalo oraaheed ah si waafaqsan Qodobka 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, si su'aalo loogu weeydiiyo waxa sababay in shacabka u safraya gobolada dalka gudihiisa ah lagu dhibaateeyo socdaalkooda, dadkaas oo ay ku jiraan, dad waayeel ah, caruur iyo dad xanuunsan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka guddiga Joogtada Golaha Shacabka.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii Arbacada iyo Talaadada ee la soo dhaafay gudaha garoonka ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo shirkaddaha diyaaradaha kadib markii shirkadaha diyaaradaha lagu soo kordhiyay in laga qaado lacag dhan 9 doolar rakaabkiiba.